Waxa ka dhacay shir ay wakiilo Xubnaha laasgeel ee UK magaalada Cardiff oo ay fadhiga diyaariyeen xubnaha Laasgeel ee Cardiff. Shirka waxa ugu muhiimsana in lagaga jawaabo talo ay soo jeediyeen Laasgeel Norway oo nuxurkeedu ahaa in la magacaabo xubno UK u dhanyahiin oo matala uk oo Laasgeel Norway kala shaqeeya xidhiidhka iyo horumarinta Hawlaha Laasgeel. fadhiga diyaariyeen xubnaha Laasgeel ee Cardiff. Shirk waxa ugu muhiimsana i lagaga jawaabo Talus ay soo jeediyeen Laasgeel Norge nuxurkeedu oo ahaa i La magacaabo xubno brittiska u dhanyahiin Matala uk oo oo Laasgeel Norge kala shaqeeya xidhiidhka Iyo horumarinta Hawlaha Laasgeel .
Xubnaha shirka ka qayb galay oo goob jooga ahaa waxa ay ahaayeen.
Mohamed Hassan geni, Caydiid Ahmed Xoore, Cali Cadceed, Mutafe Nur Shide, Anis Mohamed, Mustafe Adan Shanle iyo Mohamed Ismail. Molid Osman, Ali Boodhle iyo Abdillahi cabdixaad shaqo awgeed ayay uga qayb gali waayeen. Waxa kale oo iyana hawl gaar ah awgeed uga qayb galikari waayay, Ali Ibrahim, Abdiqani Food iyo Abdillahi Celmi sharubaale oo codsaday in laga raali noqdo.
Ragan aan shirka ka soo qayb galin iyo Cumar Adan oo Laasgeel Norway ahi way la socdeen shirka telephone oo waxa ay balanqaadeen in goaamada shirkan ay ogol yihiin.
Shirka oo uu guddominaayay, Mohamed Hassan waxa uu soo dhoweeyay talada ka timid Norway oo ah in Laasgeel Uk is habayso. Waxa uu shirku qaatay in Dustuurka Norway Laasgeel, UK ku dhaqanto wixii u baahan naaxina kala tashado Norway Reer UKna deristo dustuurka haddii ay jiraan wax u gaar ah UK oo lagu daro. Mar haddii ururku isku ujeedo yahay waa muhiim in xeerkiisu isku mid yahay.
Waxa shirku goostay in la wadi doono biilka Dugsiga hooyga oo ay wali wadi doonaan guddiyadii hore ee Magaalooyinka London, Cardiff iyo Birmingham. Waxa shirku carabaabay in Manchester Laasgeel ku soo biirtay bahda Laasgeel oo kana qayb qaateen bixinta Biislka Dugsiga. Waxa kale oo la sheegay in Raga reer Laasgeel ee ku nool Sheifield in ay iyana ku talo jiraan sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen Dugsiga Hooyga Laasgeel. Waxa uu shirku qaatay in Manchester iyo Shefield Laasgeel lagu soo dhowayn oo af iyo adinba lala xidhiidhi.
Waxa uu shirku goaamiyay in wali guddiyadii magaalooyinka UK ay jiri oo ay ka masuulyihiin biilka dugsiga iyo arrimaha Laasgeel ee magaalooyinkaas. Waxa la magacaabay xubno matala UK oo dhan oo u qaabilsan xidhiidhka guud ee dibada arrimaha Laasgeel. Xubnahani waxa ay toos ula shaqayn Laasgeel Norway iyaga oo wakiil ka ah UK kobcinta iyo horumarinta Laasgeel hawlaheeda gaar ahaan hawlaha Dugsiga Hooyga.
Xubnahan la magaacbay waa Mohamed Ismail Ibrahim, Mohamed Hassan Geni iyo Mustafe Nur Shide. Waxa ay balan qaaday shirku in ay xubnahan siin wixii taageero ay u baahdaan fulinta hawshooda. Xubnahani waxa ay bilaabi sidii ay Norway ugala shaqyn lahaayeen horumarka laasgeel. Waxa shirku qaatay in muddo saddex ila lix bilood ah ka dib shir ay qaban xubnahan la doortay si ay u soo bandhigaan wixii ay qabteen iyo programme Laasgeel.
Mohamed Ismail Ibrahim