Wasiirka Wasaaradda waxbarashada Somaliland Md.Xasan Xaaji Maxamuud Warsame ayaa xadhiga ka jaray Dugsi boodhin ah
Posted by hassan on January 24 2009 18:08:05
Dacarbudhuq ((saaxil.net) -Wasiirka Wasaaradda waxbarashada Somaliland Md.Xasan Xaaji Maxamuud Warsame ayaa xadhiga ka jaray Dugsi boodhin ah
Extended News
Dacarbudhuq
((saaxil.net)
-Wasiirka Wasaaradda waxbarashada Somaliland Md.Xasan Xaaji Maxamuud
Warsame ayaa xadhiga ka jaray Dugsi boodhin ah maalinimadii Khaamistii
ee todobaadkii hore ee aynu soo dhaafnay bishu ahayd 13/1/2008, kaas oo
ay maal-galiyeen Jaaliyadaha dalalka Norway iyo Ingiriiska oo laga
furay magaalada Dacarbudhaq ee Gobolka Hargeysa.
Munaasibadii Xadhiga lagaga jarayey Waxa Wasiirka Waxbarashada ku
wehelinayey madax kale iyo Cuqaasha deegaanku ayaa xadhiga ka jaray
dugsigii boodhinka ah..... Mar qudha ayay dadweynihii Dacarbudhuq iyo
Lodkii ugu horeeyay ee ku xeroonayay la oogsadeen sacab iyo mashraxad.
Iyagoo yaqiinsaday in ay shalay degaanka Dacarbudhuq u ahayd maalin
taariikhiya oo ay yeesheen Dugsi hoy ah.
Dugsi Boodhin ah oo ay maalgaliyeen Jaaliyadaha Dalalka Norway iyo
Ingiriiska ayaa laga furay magaalada Dacarbudhaq ee Gobolka Hargeysa
13/1/08
Wasiirku markii uu xadhiga ka jaray waxaa uu soo jeediyay qudbadiissii
labaad isagoo markan diiradda saaray jaaliyadii maalgalisay....waxaana
uu mahadnaq u soo jeediyay Jaliyadii dhistay oo u yidhi halkaa ha ku
hadhina hawl adag ayaydun bilowdeen ana waxaan idiin balanqaadayaa inta
aad qabsateen in leeg ama labanlaabkeedba ah in aan ku darno dawlad
ahaan..... Waxaa kaloo xusid mudan in Wasiirku magic cusub u bixiyay
dugsiga oo uu yidhi Waxaynu ugu magac daraynaa Axmed Sheekh& .
Markaa maanta wixii ka danbeeya waa Dugsiga Axmed Sheekh& ..
Madaxdi iyo dadkiiba waxay ku amakaakeen sida loo diyaariyay hoyga ee
loo dhigay alaab dhaxalgal ah iyo Laydhka ay isticmaalayaana uu yahay
Solar.
Taasi uu Cabiray agaasimaha Manaahijjta iyo Tababarka ee Wasaaradda
waxbarashada JSL uuna yidh Weli meelaha Dugsiyada boodhinka laga
sameeyay Kuma arag qolo sidaa wax walba isugu dhamaysay Waxaad
sameyseen dadaal balaadhan ...
Inta aan xadhiga la jarin ee aan guryaha Hurdada la soo booqan....
Waxaa muda saddex saacadood ah khuudbado ka socdeen hoolka Xafladda
lagu qabtay ee dugsiga ku yaal... Khudbadahaas oo midba mid ka darayd
oo dadka qiiro galisay........ Waxaana la isla qaatay in la soo
diyaargaroobo oo gacmaheena wax ku qabsano ileen gacantaada ayaad biyo
kaga dhargi kartaaye .....Waxaa halkaa khubado ka soo jeediyay Madax
kala duwan, Cuqaal iyo Xubno ka socda Jaaliyadaha maalgaliyay, oo
dhamaantood isla qiray in horumarka wadankeenu ku jiro waxbarashada oo
lagu dadaalo& & .
Dugsigan Dacarbudhuq waxa xudun u yahay degaan aad u balaadhan oo ay ku
dayacan yihiin caruur badani& .. kuwaas oo Shalay ku diirsaday
nimcada afka uga soo gashay& .
Lodkii ugu horeeyay ee ku xerooda Dugsigan waxay magacyadoodu yihiin sidan:
MAXAMUUD AXMED CILMI..... Jaleelo
C/LAAHI XASAN BARE .....Jaleelo
C/RAXMAAN C/LAAHI MAXAMED Jaleelo
CAYDARUUS CALI C/LAAHI .....Jaleelo
MAXAMED CABDI C/LAAHI .....Alaalacadka
NUUR MUUSE DIIRIYE .....Alaalacadka
CABDI AADAM WARSAME .....Dhubato
MAXAMED AXMED MAXAMED .....dhubato
XAMSE AXMED MAXAMED .....dhubato
SACAD CALI CIGE .....dhubato
MAXAMED MAXAMUUD CALI .....Dacarbudhuq
MAXAMED WELI CALI .....Dacarbudhuq
MAXAMED AXMED CABDI .....Dacarbudhuq
MAXAMUUD IBRAAHIM FAARAX .....Dacarbudhuq
MAXAMED XASAN CALI .....Dacarbudhuq
MAXAMED MASCUUD MUXUMED .....Dacarbudhuq
MAWLIID AXMED CILMI .....Dacarbudhuq
AXMED MAXAMED DIIRIYE .....Dacarbudhuq
DEEQ CUMAR IBRAAHIM .....Dacarbudhuq
C/FATAAX KHADAR CABDI .....Dacarbudhuq
SALAAN AXMED CALI .....Dacarbudhuq
MUKHTAAR AXMED MAXAMED .....Dacarbudhuq