FARIIN KA TIMID ADEN OSMAN
Posted by hassan on December 16 2009 00:19:46

news: uvs090131-002.JPG

15/12/09

Ku : Jaaliyadaha Dugsiga Laasgeel u ololeeya

Aniga oo ah Aadan Cismaan  Guuleed Waxaan booqasho ku tagay Dugsiga hoyga ee AHMED SHEEKH Dacarbudhuq(Laasgeel)……


Extended News

15/12/09

Ku : Jaaliyadaha Dugsiga Laasgeel u ololeeya

Aniga oo ah Aadan Cismaan  Guuleed Waxaan booqasho ku tagay Dugsiga hoyga ee Dacarbudhuq…… Waxaanan halkaa kula kulmay 25 caruur ah oo boodhanka ku xareysan. Caruurtaas oo aad iyo aad ay ishoodu u fiicnayd, niyadooduna heersare ahayd .. Halkaa ayaan mid mid ugu aqoonsaday oo ugu bartay…Isaga oo maamuluhu mid walba meesha uu ka yimid si fiican iigu sharxay… Runtiina waxay noqotay wax I faraxgaliya….  Waa unug fiican oo u baahan in halkaa laga sii ambaqaado oo la iswada kaashado .. Aan la dhageysana dadka warka xun ka shaqeeya ee aan jeclayn in caruurteena  wax loo qabto.

Walaalayaal waxaan idiin xaqiijinayaa in aan soo arkay hoygii oo bilaabmay oo meel fiican maraya….. Maanta ayaan ku qanacsanahay in shilinkii aan bixiyay meeshii ku haboonayd ee u soo niyay ku baxay. ..
Waxaa jira laba fasal oo secondary loogu talagalay oo aanay weli cidi isticmaalin….. Markaa waxaa fiicnaan lahayd  in laga fikiro siddii looga faa’iideyn lahaa…….

Baahiyo badan wey jiraan… Dugsigu wax badan ayuu u baahan yahay…. Laakiin waa wax la gaadhi doono hadii aan laga daalin….

Baahiyaha dugsigu u baahan yahay waxaa ka mid ah
1– Deyr lagu soo wareejiyo dugsiga ama qeybta hoyga ugu yaraan
2– Suuliyada oo loo soo dhaweeyo hurdada.
3– masaajid loo sameeyo.
4-  Laba hall oo kale oo lagu daro si sanadka cusub ilaa 50 arday oo kale loo xareeyo
5– macalimiinta & shaqaalaha oo mushahar loo raadiyo ama daryeel kaleba

Inta aan jooga waxaan la shaqeyn gudida halkan joogta si wixii talo iyo arrin ah aan isugu sii duno… una dhiirigalino dadka gudaha

Walaalkii Aadan Cismaan Guuleed
Ka yimid Canada