Qeyb Cusub Oo Boodhin ah Oo lagu Kordhiyey D/H/Dh/ Sare ee Degmada Laas-geel
Posted by hassan on January 24 2009 18:00:04

news: Wasiir ku xigeenka wax barashada.JPGMd. Ismaaciil Muxumed Madar (Wasiir ku xigeen wasaarada wax barshada ).

 


Extended News

Hargeysa(WNN):-Xaflad qeyb labaad oo cusub ah oo lagu kordhinayey Dugsiga Hoose/Dhexe iyo Sare ee Degmada Laas-geel ee Xarunta Dacar-budhuq ayaa dhawaan lagu qabtay Xarunta Dugsigaasi.

Munaasibada dhagax dhiga qeybta labaad ee Dugsiga oo loogu tala-galay boodhin isugu jira hurdo iyo qeybo kale ayaa waxa ka soo qeyb-galay Wasiiro, Xildhibaano Golaha Deegaanka iyo Wakiillada , qurba-joog,Ururka Mutadawiciinta ee Damal, Waxgarad iyo marti sharaf kale.

Wasiir ku-xigeenka Wasaarada Waxbarashada Md. Ismaaciil Muxumed Madar oo halkaasi hadal ka jeediyey ayaa waxa uu u mahad-naqay muwaadiniinta qurba-jooga ee dhismaha qeybta labaad ee Cusub gacanta ka qeystay, isla markaana ku amaanay talaabadan wax ku oolka ah ee ay ku talaabsadeen.

(Wasaarad ahaan wixii karaankayaga ahaa ee aan ku biirin karay Dugsiga qeybtan labaad ee Cusub waanu ka geysandoona) ayuu yidhi Wasiir kuxigeenka Wasaarada Waxbarashada Somaliland Md. Ismaaciil Muxumed Madar oo sharxaad ka bixinayey inay wixii karaankooda aanay u yareysan

Maayar ku-xigeenka Caasimada Hargeysa Maxamed Cabdilaahi Uur-Cadde oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu u mahadnaqay jaaliyada qurba-jooga ee hir-gelinta dhismaha dugsigan ee qeyb laxaad leh ka qaatay.

(Dawlada hoose ahaan wixii karaankayaga ah ee aan ku Caawinayno dhismaha iyo balaadhinta Dugsigan waanu idiinka balanqaadaynaa iyo wixii kale ee aad nooga baahateen.) ayuu yidhi Uurcade.

Gudoomiyaha Degmada Laas-geel Md. Ismaaciil Ibraahim Cismaan oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu sharxaad ka bixiyey Xaalada Degmada Laas-geel, isla markaana waxa uu xusay inay jiraan duruufo badan oo sameeyey degmada gaar ahaana dhinaca adeegyada asaasiga ah ee Waxbarashada

Marwo Faadumo Siciid oo iyaduna halkaasi hadal dheer oo isugu jiray hoga tusaaleyn iyo mahad-naq ka jeedisay, isla markaana sheegtay inay qeyb ka qaadatay hir-gelinta dhismaha dugsigan.

(Waxaan hadalkeyga ku soo gunaanadayaa wadan walba waxa dhisa dadkiisa ee aynu dhisno wadankeena) ayey tidhi Faadumo Siciid.

Faadumo Siciid waxay Xafladaasi ka balanqaaday inay bixindoonto 20 xabo oo sibidha oo lagu dhisidoono deyrka dugsigan.



Waxa iyaguna halkaasi ka hadlay 2 xubnood oo ka mid ahaa Qurba jooga u dhashay Deegaanka ee jooga Ingiriiska, kana mid ahaa Xubnihii ku soo deeqay Lacagtii lagu dhisay Dhismihii 1aad ee loogu talo galo hurdo ay ardaydu seexdaan, Labadaas xubnood oo magacyadoodu kala ahaayeen Mr. Fariid iyo Maxamed Diiriye waxay sheegeen siday ugu faraxsanyihiin Xafladan, waxaanay mahadnaq u soo jeediyeen Jaaliyada Norway ee u dhalatay deegaanka ee u soo fidiyay deeqada lacageed si loogu kordhiyo dhisme cusub dugsigan Boardinka ah ee la dhisaayo.

Xafladaasi waxa kale oo ka qaybalay Ururka Samafalka ah ee la yidhaahdo DAMAL, Ururkan oo lahaa fikirka lagu aasaasay dugsigan boodhinka ah, isla markaana fuliyay dhismihii Hoygii 1aad ee loo dhiso dugsigan oo ay hore ugu soo deeqeen lacagta lagu dhisay Qurba jooga deegaanka u dhashay ee degen dalka Ingiriiska.

Waxa uu Gudoomiye ku xigeenka ururka Damal xafladaasi kaga dhawaaqay in ay Urur ahaan ugu deeqeen balaadhinta Iskuulka Lacag dhan $300 (Sadex boqol oo doolar), Waxaanu ku dhiiri galiyay dadkii xaflada ka soo qayb galay in ay ka qayb qaataan dhamaystirka dhismayaasha iskuulka.

Waxa kale oo iyaguna halkaasi ka hadlay Xildhibaano ka mid ah Golaha Wakiilada oo ay ka mid yihiin Xildhibaan Axmed Wayso Cade, Xildhibaan Aadan X. Diiriye Dirir iyo Xildhibaan Axmed M. Cali BEEGSI. Dhamaantood waxay hambalyo iyo Mahadnaqba u soo jeediyeen Qurba Jooga Deegaanka u dhashay ee ku soo deeqay Lacagta lagu kordhinaayo Dhismayaasha ISkuulka, Xildhibaan Aadan X. Diiriye ayaa ugu deeqay Iskuulka Lacag dhan $200 .

Xildhibaan Axmed Beegsi oo isagu ka hadlay Lacagtan ay soo direen Qurba -ooga degen wadanka Norway,isla markaana waxa uu cadeeyay in Lacagtan maanta la soo diray lagu hayay Norway mudo gaadhaysa 5 Sano, sidoo kale tii hore ee Ingiriiska laga soo dirayna la hayay mudo intaas leeg ama in ka badan, Haynta halkaas lagu hayayna ay keentay iyadoo la la’aa cid lagu aamino lacagtaasi wakhti badanina inagaga dhacay, ayuu yidhi

Aamin daradii jirtayna ay maanta dhamaatay oo uu Ururka DAMAL ka takhalusay dadkii is barbar yaaci jiray si ay faa’iido uga helaan waxoogaaga Qurba-joogu dirqiga iskaga soo uruuriyeen.

Xildhibaan Axmed-Beegsi wuxuu u soo jeediyay Qurba -ooga iyo dadka Gudaha jooga ee Deegaankaas u dhashayba in ay u guntadaan sidii loo dhaqaajin lahaa Dugsigan Boodhinka ah loona dhamays tiri lahaa. Dhismayaashaas aynu dhisnayna yaan Aboorka iyo Adhigu inaga galin ee waa in aynu si wada jir ah u dhaqaajinaa ayuu ku soo gabagabeeyay hadalkiisii.

Waxa iyaguna xafladaasi ka soo qayb galay 5 aqoon yahan oo ahaa Ardaydii lagu bilaabay Iskuulka Dacarbudhuq sanadkii 1962-kii, Waxa ay ka sheekeeyeen Taariikhdii iskuulka iyo wakhtigoodii lagu bilaabay. Waxa aad iyo aad cajiib u ahaa Shantaa aqoon yahan oo ku wada luuqeeyay hees carabi ahayd oo wakhtigaa loogu furay iskuulka.





SOURCE HADHWANAAG.COM