Shirkaas oo qaatay saddex saacadood waxaa lagu gorfeeyay wixii ka qabsoomay shirkii ka horeeyay go'aamadii hore loo gaadhay.... waxaa kaloo laga akhriyay shirka dhamaan emailadii fariimo xanbaarsanaa ee ka yimid walaaladeena dibada ...... Shirka waxaa lagaga hadlay wixii sanadkii hore inoo qabsoomay marka la eego hawsha dugsiga ee ugu muhiimsan waxa aynu wadno....iyo qorshe sanadeedka soo socda maadaama sanad dugsiyeedki dhamaanayo.... markaa waxaa la isla gartay
1- In shir 2aad oo aan caadi ahayn la isugu yimaado bisha 10/05/10 si loogu dhamystiro qorshaha Dugsiga ee Sanad dugsiyeedka soo socda iyadoo la diray xubno warbixin cusub iyo talo soo ururinba ka keena Dugsiga..... lana soo tashada macalimiinta iyo shaqaalaha Dugsiga. 2- Markii laga dooday jawaabtii Jaaliyadda Norway ka bixiyeen shirkii Feb. ee Gudiga Laasgeel Somaliland..... Waxaa la istusay in aan lala fahmin qodabkii ay gudiga Hargeysi soo jeedisay ee ahaa in Ururka NGO iyo Gudigu kala duwanaadaan...... Sharax danbe ayaan ka soo bixin doonaa sida aanu u ujeednay....... 3- Waxaa warbixin laga dhegaystay Xubnihii ku hawlanaa sharciyaynta Ururka NGO ...... Waxayna soo jeediyeen in Board la dhiso, lana magacaabo Gudoomiyaha URurka (NGO) si ay sharciyaynta u dhamaystiraan..... halkaa waxaa ka soo baxday in haddii urur cusub halkan ka sharciyayno oo gudoomiye cusub yeesha in ay iskhilaafayaan Ururka ay walaaladeen Norway ka sharciyeeyeen Norway... Markaa Waxaan isla garanay In Ururka Norway laga sharciyeeyay in kaa la qaado Documentskiisa oo halkana kaa laga sharciyeeyo...... oo halkan ay ahaato branch ururkaasi leeyahay....... Waayo Ururka aan wadnaa waa in uu hal urur noqodaa oo meelna xaruntu ay tahay inta kalana faracyadiii yihiin.... Gudoomiyuhana uu qof qudha noqdo....... Markaa haddii aad taa nala qaadataan ........ kaas ayaan diiwaangalinaynaa oo farac kaa ka mid ah ayay halkani noqonaysaa..... qofka halkan loo magacaabaana waxa uu hoos imanayaa Gudooomiyaha halkaa fadhiya....... Markaa Gudiga Hargeysi waxay idinka codsanaysaa wixii documents oo dhan aad ururka u sameyseen in aad noo soo gudbisaan 3- Haddii Jaaliyadu u baahato in Tilifoon kula soo xidhiidho Gudiga waxay la soo xidhiidhi karaan Gudoomiyaha Gudiga Keyse Cabdi Xaad wixii email rasmiyana waxay kula soo xidhiidhi karaan dheereeya@hotmail.com 4- Gudiga Hargeisa waxay gudoonta Kutub Quraan ah oo la siin doono Ardayda Dugsiga boodhanka.. 5- Waxa kale oo doodiisu socotaa habkii loo sameyn lahaa ururo xirfadeedo ..... 6- Waxaa amaan loo soo jeediyay walaaladeena Jaaliyadaha Norway iyo Ingiriiska oo hadh iyo habeen u taagan sidii ay umadooda wax ugu qaban lahaayeen....markaa waxaa la isku dhiiriyeyay sidii la isula qabsan lahaa si ka fiican sidan aan wada shaqeyno